Waxaan Matalnaa Dadyowga Ka kala Yimaada Wadama Kala Duwan Ee ay Udhasheen

Dadka Af-Ingiriiska Aanan Aqoon Ee Ku Nool Maine Halkan Waa Lagu Soo Dhoweynayaa

Anagoo ah Xafiiska Sharciyadda Ee Joe Bornstein, waxaan ku faanaynaa inaan caawino dadka gobolka Maine ee dhaawacma ama naafada ah ee dhamaan gobolka-ha ahaato hadii aad gobolka kunooleed waligaa iyo waliba hadii aad kucusubtahay. Xafiisyadeena lixda ah ee meelaha haboon ku yaala waxaan ku shaqeynaa oo muhiimad noo ah in qof walba sifudud uhelo cadaalad.

Inta aanan Maine la aas aasin kahor sanadii 1820, muhaajiriintu waxay imaadeen gobolkeena quruxda badan. Gobolka wali waxaa soo galaya muhaajiriin ka kala imaanaya goobo cusub oo kala duwan. 1890, Joe awoowgiis iyo ayeeyadiis waxay kasoo haajireen wadanka Latvia. Joe familkiisu waxay kasoo tageen Latvia ayagoo kuhaminaya nolol wanaagsan in ay kahelaan Ameerika. Joe familkiisa waxay cagta soo dhigeen gobolkan Maine waa ayna joogaan wali lix farac kadib.

Maanta gobolkan Maine waxa uu noqday meel dadyow kala duwan kunoolyihiin oo layimid dhaqamo kala duwan iyo luuqado. Inkabadan 48 sanno, Xafiisyada Sharciga ee Joe Bornstein waxay mataleysay inkabadan 25,000 ee reer Maine ah ee isugu jira dad bulsho dhaqaale meelo kala duwan kayimid iyo wadamo kala duwan. Shaqaalaha Joe oo isugu jira 10 qareen iyo inkabadan 40 xirfadlayaal sharci ah dhamaan tood degan Maine ayaga iyo familkooda kana shaqeeya bulshadeena dhexdeeda.

Hadii adiga ama qof familkaaga ah uu ku dhaawacmo ficil uu geestay qof qeerul mas uul ah ama wax kale amaba uu yahay naafo, waxaad xaq uleedahay cadaalad ayadoon la eegeynin jinsiyadaada ama meesha aad kasoo jeedo. Sharikadeena sharcigu waxay halkan ujoogtaa iney ku caawiso talaabo walba. Hadii Ingiriisku uusan ahayn luuqada aad ku hadasho, waxaan kuu sameen doonaa adeegyo turjumaad. Nalasoo xadhiidh maanta si aad uhesho talooyin bilaash ah aadna ku kalsnoonaan karto.

Joe familkiisu waxay usoo haajireen Mareekanka si ay noloshoodu ugu wanaajiyaan faracyada soo socda. Isla dareenkaas oo kale waa aas aaska sharikadeyda sharciga maanta. Waxaan nahay qareenada Maine una shaqeeynayay dhamaan dadyowga reer Maine tan iyo 1974-tii.